LA OGAADAY: Ciidanka Xoogga Dalka Oo Qorshe Halis Ah La Damacsan Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa markaan waxay u diyaarsan yihiin arrin dhabarjab ku noqon doonta maleeshiyada Al-shabaab ee caadeystay waxyeeleynta umadda.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa sheegay markaan la qaadayo weerar kama dambeys ah, kaasi oo Al-shabaab dalka oo dhan looga saari doono.

Waxay saraakiishan tilmaameen in maalmaha soo adan la qaadi doono howlgallo saf ballaaran ah, kuwaasi oo ka bilaabanaya maamullada Jubbaland, K/galbee,d Galmudug, Hirshabelle iyo Puntland.

Si aanay Al-shabaab gurmadyo isugu dirin ayaa la doonayaa markaan in meel walboo ay joogaan dhulka lala jaro, islamarkaana la weeraro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here