LA OGAADAY: AMISOM Oo Soomaaliya Joogi Doona In Ka Badan…

Warar hoose oo aan heleyno ayaa waxay sheegayaan  in haatan caalamka aanu diyaar u ahayn in AMISOM ay isaga baxaan dalka, maadaama muddo badan ay joogeen.

Xogta Marqaati Online heleyso ayaa sheegeysa in AMISOM ay dalka sii joogi doonaan 10 sano oo hadda dhimman.

Ilo wareedyo ku dhow Xalane ayaa sheegay in loogu talogalay lana sii qorsheeyay in ciidamada AMISOM ay baxaan oo kaliya wixii ka dambeeya 10 sano.

Waxaa lagu marmarsiyoonayaa in ciidamada Soomaaliya aanay diyaarsaneen, sidoo kalena aanay diyaar ahayn sida la sheegayo doorasho qof iyo cod ah.

Malaayiin doolar ayaa ku baxda joogitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, waxaana taasi ay keentay in dad badan oo Soomaaliyeed ay sugi waayaan mudada ay baxayaan ciidamadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here