Garsoore aan heysan diinta Islaamka Oo Kullan Ciyaareed Joojiyay, kadib Markii Uu Maqlay Aadanka Salaada Maqrib

 Mark Clattenburg ayaa goor hare ka tagay horyaalka ingiriiska, wuxuuna garsoore ka noqday horyaalka dalka sucuudi carabiya.

Garsooraha ayaa shalay galab maqribkii sameeyay arin aad loogu farxay, kadib markii uu si fiican u ilaaliyay dhaqanka suuban ee muslimiinta.

42 jirka reer ingiriis ayaa dhex dhexaadinayay kulan u dhexeeyay kooxaha Alfatxi iyo Alfayxaa kulan ka tirsanaa wareega 16-ka ee koobka Khaadimul xarameyn-ka.

Mark Clattenburg ayaa istaajiyay ciyaarta oo ku guda jirtay waqti dheeri ah oo lagu daray, markaas oo aadaanka salaada maqrib laga maqlayay guud ahaan nawaaxiga garoonka.

Dhacdadaan ayaa noqtay mid xalay si wayn looga hadal haayo gudaha sucuudiga maadama garsooruhu uusan ahayn muslim.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here