XOG: Halis Xooggan Oo Kusoo Wajahan Dowladda Farmaajo, Madax Sare Oo Doonaya Iney…

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa hadda kusoo wajahan halis aad u badan, lagana yaabo in dowladdan aanay bilo kale cagaheeda kusii taagnaanin, haddii aanay wax isbedalin.

Sida ay ogaatay Marqaati Online, dowladdan oo ay aad u taageersanaayeen shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda waxaa soo baxaya rag doonaya iney dowladda dhulka dhigaan.

Siddaan xogta ku ogaannay waxaa jira siyaasiyiin  badan oo qaarkood xilal ka haya dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo hadana la raadinaya fashil iyo shirqool.

Mooshinnada socda ee la sheegay in madaxweynaha laga geynayo waxaa lacag badan ku bixinaya oo dhankooda ka abaabulaya rag xilal ka haya dowladda oo hadane dhanka kale la safan.

Dad badan oo iyagana xilal ka waayay dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa hadana dhankooda waxay doonayaan iney dhuunta qabtaan dowladda oo hadda ku tallaabsatay horumaro badan oo la taaban karo.

Lama oga sidey wax ku dambeyn doonaan, balse waxaa laga yaabaa in dowladdan cusub ee aan sanadka gaarin ay ka tallaabsato isbaarooyinka yar yar ee loo dhiganayo.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.