Sheekooyinkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyda & Wararkii Ay Qoreen Wargeysyada Maanta Oo Arbaco Ah

ASWW, Kulanti wacan oo wanaagsan dhamaan aqristayaasheena sharafta mudan meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay maalin wanaagsan.

Maalin kasta waxaad nooga barateen inaan idin soo gudbino xantii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga iyo wararka ugu waaweyn oo ay qoraan wargeysyada ka hadla ciyaaraha ee dunida.

Xubintaan waxaa idin soo gubdinaya Hassan Abdi Ahmed( Iniesta) oo kamid ah shaqaalaha Shabakadda Ka faaloota ciyaaraha ee GOOL.NET xafiiskeda magalada Muqdisho.

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa qorsheynaya inuu 90 milyan oo ginni ugu dhaqaaqo 26 sanno jirka Chelsea iyo Belgium Eden Hazard. (Sun)

Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa ugu baaqay Manchester City inay lasoo saxiixato xiddiga Liverpool Mo Salah. (Sky Sports & Daily Express)

Tababaraha Everton Sam Allardyce ayaa doonaya inuu u soo bandhigo heshiis qaali ah weeraryahanka England Theo Walcott oo 28 sanno jir ah iyo xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sevilla Steven N’Zonzi oo 29 sanno jir ah. (Daily Mirror).

Newcastle United ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa daafaca Chelsea David Luiz bisha Janaayo, laakiin waxa ay xiiseynayaan kaliya heshiis amaah ah in ay ku helaan ciyaaryahanka reer Brazil oo 30 jir ah (Shields Gazette)

Atletico Madrid ayaa diyaar u ah inay iibiso weeraryahanka reer France Antoine Griezmann oo 26 sanno jir ah, ka dib markii ay Barcelona ku wargalisay FIFA inaysan la hadlin weeraryahanka France (Daily Mirror)

Leicester City ayaa dooneysa inay dalab ka gudbiso xiddiga Portugal iyo Benfica daafaca buuxa kaga ciyaara ee Andre Almeida oo 27 jir ah (Leicester Mercury)

Liverpool iyo Wales xiddiga katirsan ee Ben Woodburn oo 18 jir ah ayaa loo ogolaan doonaa inuu amaah kaga tago Reds bisha Janaayo (Daily Mail)

Brighton ayaa ka fikireysa dalab cusub oo ay u dirto xiddiga Spartak Moscow iyo Cape Verde Ze Luis oo 26 jir ah. (Sun)

Chongqing Dangdai Lifan ayaan xiiseyneynin inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Andreas Iniesta, iyagoo aaminsan inuusan ku fiicneyn inuu ka ciyaaro horyaalka heerka labaad ee China. (Marca)

Real Madrid ayaa isku diyaarineysa inay bixiso qiimaha lagu burburin karo qandaraaska goolhayaha Athletic Bilbao Kepa Arrizabalaga oo ah 20 milyan (AS)

Daafaca Barcelona Javier Mascherano oo 33 jir ah ayaa ku dhow inuu dhameystiro heshiis uu ugu biirayo kooxda reer China ee Hebei Fortune. (Sport)

Tababaraha Aston Villa Steve Bruce ayaa xiiseynaya weeraryahanka Burnley Nahki Wells oo 27 jir ah iyo kan Leicester Leonardo Ulloa oo 31 jir ah (Birmingham Mail)

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay tababaraha mustaqbalka Arsenal ka bedeli doona Arsene Wenger. (Telegraph)

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Liverpool Harry Wilson oo 20 jir ah ayaa iska diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda ka dhisanAnfield. (ESPN)

Tababaraha West Ham David Moyes ayaa isha ku haya inuu kooxda kusoo biiriyo ciyaartoy khadka dhexe ah bisha Janaayo (Telegraph)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here