Rivaldo Oo Ka Hadlay In Neymar Ku Biirayo Real Madrid, In Lional Messi Iyo Ronaldo Kaliya Aysan Aheyn Ciyaartooyda Ugu Fiican & Arimo Kale

Rivaldo ayaa diiday inuu meesha ka saaro suurtagalnimada xiddigii hore ee Barcelona Neymar ugu biiri karo kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.

Neymar ayaa kaga soo biiray Barcelona kooxda Paris Saint-Germain lacag gaareysa € 222million bishii August, laakiin xiddiga reer Brazil ayaa lala xiriirinayaa inuu ku biiro Madrid.

Kabtanka Madrid Sergio Ramos ayaa hore u sheegay in Neymar uu kusoo dhaweyn lahaa kooxda La Liga iyo Champions League difaacaneysa, halka madaxweynaha Florentino Perez uu sheegay inay ku faraxsan yahay wararka xanta ah ee la xiriirinaya kooxdiisa xiddiga Brazil.

Mar la weydiiyay mustaqbalka Neymar iyo inuu ku biiri karo Real Madrid, xiddigii hore ee kooxda Barcelona Rivaldo ayaa yiri: “Marna ma ogid waxa dhici kara mustaqbalka.”

Neymar ayaa ku dhameystay kaalinta seddexaad ee kala sareynta abaalmarinta Ballon d’Or sannadkan, iyadoo Cristiano Ronaldo uu ku guuleystay markiisii shanaad.

Xiddigii hore ee Brazil Rivaldo oo kula guuleystay Barcelona labo horyaal oo La Liga iyo hal Champions League ah ayaa ku adkeysanaya in Neymar tartan adag kula jiri doono markasta Ronaldo iyo Messi.

Neymar wuxuu doonayaa iinuu abaalmarinta Ballon d’Or ku garaaco labada ciyaaryahan ee ku guuleysanayay 10kii sanno ee lasoo dhaafay ayuu yiri Rivaldo.

“Haddii Ronaldo uu ku guuleystay sannadkaan abaalmarinta waa uu u qalmay,”ayuu yiri Rivaldo oo 45 jir ah.

“Waqtigeygii, waxaa jiray ciyaartoy badan oo ku tartamayay xiddiga ugu fiican dunida, waxaan xusuustaa Figo, Alessandro Del Piero iyo FrancescoTotti, hadda waxaa tartama Messi iyo Ronaldo sababtoo ah kubada cagta ayaa isbedeshay.

“Ma ahan inaan eedeynayo kaliya labadooda, waa laba ciyaartoy oo aad u wanaagsan, laakiin waqtigeygii waxaa la heli karay ciyaartoy tayo leh oo ka badan kuwa manta ayuu yiri Rivaldo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here