Real Madrid Oo £ 62m Kula Wareegeysa Bisha Janaayo Weeraryahan Aan Ku Qanacsaneyn Nolosha Magaalada Manchester

Tababaraha Real Madrid Zidane ayaa dhawaan si cad u sheegay inuusan raadineynin weeraryahan bisha Janaayo, laakiin waxaa la rumeysan yahay in tababaraha Faransiiska uu si dhab ah u doonayo inuu lasoo saxiixdo weeraryahan tayo fiican leh.

Iyadoo Karim Benzema uu ku dhibtooday inuu helo bandhigiisii gooldhalinta Jariirada Spanish-ka ee El Chiguarito ayaa sheegtay in Real Madrid ay dooneyso inay lasoo saxiixato xiddiga Manchester City Sergio Aguero.

Aguero ayaa lagu soo waramayaa inuusan ku faraxsaneyn keydka Guardiola, waxaana xiddiga reer Argentine uu aqbali karaa qorshaha uu dib ugu laabanayo Madrid xagaagan.

Aguero ayaa mar kale qaab ciyaareed fiican ku jira, isagoo 13 gool u dhaliyay kooxdiisa Citizens xili ciyaareedkaan.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan weli mid si joogta ah ugu ciyaaraya kooxdiisa oo heysata weeeraryahanka dhalinyarada ah ee Gabriel Jesus.

Natiijada sawirka Aguero and Jesusu

Aguero ayaa muujiyay sida uusan ugu faraxsaneyn in la bedelo kulankii Tottenham, markaasoo Pep Guardiola uu go’aaansaday inuu ka saaro garoonka.

Guardiola markii la weydiiyay dhacdada Aguero iyo sida uu kaga xumaa in labedelo waxa uu ayaa yiri: “Waa wax caadi ah, Waan fahmayaa, wuxuu doonayay inuu ciyaaro, laakiin waqtigaas waxaan u baahaneyn xoogaa yar oo weerar xoog leh.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay suuqa kala iibsiga ugu jirto midkood saxiixa labada ciyaaryahan ee Harry Kane iyo Mauro Icardi, laakiin Perez iyo Zidane ayaa labadoodaba diirada saraya saxiixa weeraryahanka City Aguero.

Kooxda All Whites ayaa diyaar u ah inay dalab 62 milyan oo ginni ah u dirto weeraryahanka tayada leh, waxaana ay kalsooni ku qabaan in ay lasoo saxiixan karaan bisha janaayo.

Sergio Aguero oo sidoo kale laga saaray kulankii Manchester City xalay la ciyaartay Leicester City, ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu soo gaaray dhaawac.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.