Pep Guardiola Oo Lasoo Baxay Dhaqmadii Sir Alex Ferguson, Daawo Wuxuu Sameeyay Markii 8 Daqiiqo Lagu Daray Kulankii Xalay

Manchester City ayaa rigoorayaal u baahatay inay ku gaarto semi-finalka Carapa Cup ka dib markii Claudio Bravo uu si xamaasad leh u badbaadiyay laba rigoore.

Kooxda Pep Guardiola ayaa hogaanka u heysay ciyaarta ka hor inta uusan Jamie Vardy kusoo barbareyn rigoore muran dhalisay sideed daqiiqo oo dheeraad ah oo lagu daray kulanka.

Pep Guardiola ayaa ka dhigtay caado isbuucyadii lasoo dhaafay inuu gudaha u galo garoonka dhamaaadka ciyaarta, isagoo la murmaya garsoorayaasha iyo ciyaartooyda kasoo horjeeda.

Dhawaan ayay ahayd markii uu la murmay ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Southampton Nathan Redmond kulankii Manchester City 2-1 kaga badisay kooxda Sants.

Xalay markale tababare Pep Guardiola ayaa muran dheer la galay garsoore Bobby Madley, kaasoo rigoore ku abaalmariyay kooxda Dabacooyinka dhamaadka ciyaarta.

The Spaniard was enraged at the awarding of a penalty in the seventh minute of added time

Qofna ma qiyaasi karin pep Guardiola inuu garsooraha u sheegayay wax wanaagsan, maadaama carro badan laga dareemayay.

Farta ayuu ku fiiqayay garsooraha, waxaana uu dood ka qabay qalad qeybta labad ee ciyaarta Demarai Gray isku tuuray markasoo koxdiisa lagu abaalmariyay rigoore soo daahday.

Guardiola was annoyed at an apparent dive by Demarai Gray to win a late penalty

Garsooraha ayaa Dabacooyinka ku abaalmariyay rigoore intii lagu jiray siddeed daqiiqo oo dheeraad ah oo lagu daray kulanka.

DAAWO SIDUU PEP KAGA FALCELIYAY MARKII SIDEED DAQIIQO LAGU DARAY CIYAARTA

Pep’s reaction to the 8 minutes stoppage time.

97th minute Vardy scores the penalty 🤣 

Kooxda Guardiola ayaa iska xaaadirisay Afar dhamaadka Carabao Cup markii Claudio Bravo rigooradii ugu dambeysay ka badbaadiyay Riyad Mahrez.

Guadiola ayaa markaas soo galay garoonka, isagoo kaliya dhanka ciyaartooydiisa ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.