Man United Oo Ku Dhawaaqday Inay £ 90 milyan Ku Dooneyso Eden Hazard & Saddex Arin Oo Furre U Ah Heshiiska

Manchester United ayaa qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa kujirta tan iyo markii Sir Alex Ferguson ka tagay kooxdan.

Red Devils ayaa goolal dhalineysa islamarkaana kulamo adag ku guuleysaneysa, laakiin weli ma ahan koox tartan la geli karta xili ciyaareedkan kooxda Manchester City.

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu xoojiyo kooxdiisa bisha Janaayo, isagoo u baahan inuu helo xiddig tayo badan oo ka ciyaari kara khadka dhexe ee weerarka.

Jose Mourinho ayaa ka diri doona kooxdiisa Henrikh Mkhitaryan iyo Juan Mata Bisha janaayo, waxaana kaliya bedelkooda loo arkaa ciyaaryahanka Chelsea Eden Hazard.

Mourinho ayaa ku amray madaxa fulinta kooxdiisa Ed Woodward inuu kusoo biiriyo ninka reer Belgium garoonka Old Trafford.

Sida laga soo xigtay wargeysyada The Sun, Manchester United ayaa diyaar u ah inay ku bilowdo wadahadalka Hazard 90 milyan oo ginni Bisha Janaaayo.

Mourinho waxa uu taageere weyn u yahay Eden Hazard oo uu macalin ugu soo ahaa kooxda Chelsea muddo saddex sanno ah.

Labada shaqsi ayaa si wadajir ah uga shaqeynayay Chelsea, iyadoo xiddiga Belgian uu xiriir fiican la leeyahay tababarihiisii hore.

Mustaqbalka Eden Hazard ee Chelsea ayaan shaki weyn uu ku jiraa, iyadoo Real Madrid iyo Man United isha ku hayaan xaaladiisa.

Ciyaaryahanka reer Belgium ayaan weli u saxiixin qandaraas cusub, waxaana qandaraaskiisa haatan uu dhacayaa bisha June 2020ka.

Waxaa jira saddex sabab oo uusan Eden Hazard ugu biiri Karin kooxda Manchester United bisha Janaayo.

Tan koowaad ayaa ah in Chelsea aysan marnaba iibin doonin Hazard, xitaa haddii ay dhacdo kama iibin doonto kooxda Manchester United.

Sababta labaad waxay tahay taageerayaasha Chelsea oo weli dareemaya niyad jabkii ay ka qaadeen markii Matic ku biiray Manchester United.

Iyo sababta saddexaad oo ah in Eden Hazard kaliya ku biirayo Real Madrid ama Lille haddii uu ka tagayo kooxda Chelsea.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.