HORDHACA: Chelsea vs Bournemouth- Blues Oo U Baahan Inay Gaarto Semi-finalka EFL CUP

Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee Chelsea ayaa u baahan in ay gaarto wareega Afar dhamaadka tartanka EFL Cup marka ay caawa wajahayaan kooxda Bournemouth.

Cherry ayaa u safreysa Stamford Bridge, iyadoo raadineysa in ay gaarto semi-finalka tartankaan markii ugu horeysay taariikhda.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Stamford Bridge

SAACADA: 10: 45 PM

MAXAA CUSUB?

Conte ayaa durbadiiba qiray inuu fursad siin doono qaar ka mid ah ciyaartoydiisa keydka kulanka caawa ee Bournemouth, taasoo micnaheedu yahay in Batshuayi uu heli doono fursada booska koowad.

Xiddiga reer Belgium ayaa ku dhibtoonayay inuu boos ka helo kooxdiisa tan iyo markii uu yimid Morata oo ah hogaamiyaha weerarka Chelsea.

Marcos Alonso ayaa kulankaan ku seegaya sabab la xiriirta ganaax kadib markii uu qaatay jaalihiisii ​​shanaad intii lagu jiray kulankii sabtida ee Southampton.

David Zappacosta ayaa laga yaabaa inuu bedelo booska daafaca reer Spain, halka Danny Drinkwater iyo Pedro ay kusoo bilaaban karaan, laakiin Hazard iyo goolhaye Thibaut Courtois ayaa la nasasiin doonaa.

Tababare Howe wax dhaawacyo cusub ah ma qabo kulankaan, waxaana laga yaabaa inuu soo xusho safkiisii ugu xooganeyd.

Tyrone Mings, Adam Federici iyo Brad Smith ayaa dhammaantood kasoo laabtay dhaawacyo ay ku maqnaaayeen.

XAQIIQADA KULANKA

Chelsea ayaa heysata rikoor ugu fiican marka ay kulmayaan labada kooxood, iyagoo badiyay sideed ka mid ah 9kii kulan ee ugu dambeyay oo ay la ciyaareen Cherries.

Bournemouth ayaa xilli ciyaareedkii hore ku badisay Stamford Bridge, iyadoo daqiiqadii 82aad goolka guusha uu dhaliyay Glenn Murray.

Labadaan kooxa ayaa kulmay kaliya hal jeer tartanka EFL, iyadoo Chelsea ay ku badisay 2-0 wareega group-yada xilli ciyaareedkii 1994-95.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Chelsea:Caballero; Rudiger, Ampadu, Cahill; Zappacosta, Drinkwater, Bakayoko, Kenedy; Pedro, Batshuayi, Willian

Bournemouth:Begovic: Smith, S. Cook, Ake, Daniels; Fraser, L. Cook, Surman, Stanislas; King; Defoe


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.