HORDHACA: Bristol City vs Manchester United- Labada Koox Oo Kulmaya 37 Sanno Kadib

Manchester United ayaa seddex guul oo banaanka ah wadata marka ay la ciyarayaan caawa tartanka EFL Cup kooxda Bristol City.

Ka dib markii ay si xowli ah uga soo baxeen heerka labaad ee horyaalka xilli ciyaareedkii hore, koxda uu hogaamiyo Robins waxay doonayaan in ay garaan markii ugu horeysay afar dhamaadka EFL Cup.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Ashton Gate

SAACADA: 11:00 PM

MAXAA CUSUB?

Zlatan Ibrahimovic ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilowdo, halka Lukaku oo ciyaray kulamo badan oo Premier League ah la nasin doono.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa laga yaabaa inuu seego kulankaan, inkastoo uu dib kaga soo laabtay ganaax.

Henrikh Mkhitaryan ayaa mar kale dib loo soo celiyay tababarka markii ugu horeysay tan iyo dhamaadkii November, waxaana laga yaabaa inuu boos helo caawa.

Antonio Valencia ayaa seegaya kulankaan, madaama uu dhaawac kasoo gaaray muruqa lugta, halka Eric Bailly uu yahay ciyaaryahan muddo dheer maqan.

Bristol City, waxaa ka maqan Johnson, iyadoo Diedhiou, Gary O’Neil, Jens Hegeler, Ivan Lucic, Eros Pisano iyo Callum O’Dowda dhamaan lagu soo celiyay safka koowaad.

XAQIIQADA KULANKA

Markii ugu danbeysay ee labadan kooxood wada ciyaareen waxay aheyd Febraayo 1980kii, markaasoo United ay kusoo baxday kaalinta 4aad ee horyaalka.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Bristol City:Fielding; Wright, Flint, Baker, Magnusson; Brownhill, Pack, Smith, Bryan; Paterson; Reid

Manchester United:Romero; Darmian, Smalling, Lindelof, Blind; Pogba, McTominay; Mkhitaryan, Mata, Martial; Ibrahimovic


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.