Goolhaye Bravo rigooro loogama galo wuxuuna City usoo saaray Nus Dhamaadka Carabao Cup.

Goolhaye Claudio Bravo ayaa markale caalamka soo xasuusiyay inaan lagu gaarin sheekada marka ay rigoore ama gool ku laad tagto.

Goolhaye Bravo ayaa Mahrez ka celiyay rigore sidoo kalena sabab u ahaa Vardy inuu banaanka marsiiyo cayaar Man City rigoorayaal 4-3 guusha kaga qaadatay Leicester City.

Kulankaan ka tirsanaa wareega 8-aad Carabao Cup cayaarta waxay kusoo idlaatay 1-1 balse si labada koox loo kala saaro rigoorayaal Man City ayaa kusoo baxday oo iska xaadirisay Semi Fiinaalaha ama nus dhamaadka Carabao Cup.

Kulankaan xiisaha badnaa ee garoonka King Power ka dhacay waxaa qaybtii hore 1-0 ku hogaamineesay naadiga Man City oo safar ahayd.

Cayaaryahan Bernardo Silva ayaa Man City hogaanka u dhiibay daqiiqadii 26-aad waxaana kubadaan caawinaad ka geestay Gundogan waana goolka kaliya ee qaybtii hore labadaan naadi iska dhaliyeen.

Balse qaybta labaad ee cayaarta isbadal lama filaan ah ayaa dhacay markii 8-daqiiqo lagu daray waqtiga caadiga ah xili uu soo idlaaday ayadoo ay dhaawacyo jireen.

Daqiiqadii 95-aad ayay Leicester City rigoore heshay waxaana keenay cayaaryahan Gray oo uu qalad ku galay Walker.

Leicester rigooradii loo dhigay waxa si geesinimo ku dheehay gool ugu badalay Vardy ayadoo uu awoodi waayay goolhaye Bravo inuu kubada qabto.

Kulankaan 1-1 ayuu kusoo idlaaday waqtigii loogu tala galay waxaana lagu daray 30-daqiiqo oo dheeri ah balse labada naadi waxba wey iska qaadi waayeen.

Waxaa la isla aaday rigoorooyin si mid loo reebo midna ugu gudubto Semi Fiinaalaha ama nus dhamaadka Carabao Cup.

Rigoorada kowaad: waxaa dhaliyay Fuchs oo ka tirsan Leicester kana dhigay 1-0

Rigoorada labaad: waxaa dhaliyay Gundogan oo City ka tirsan kana dhigay 1-1

Rigoorada sedexaad: waxaa dhaliyay Yaya Toure oo City ka tirsan kana dhigay 1-2

Rigoorada afaraad: Maguer ayaa dhaliyay oo Leicester ah wuxuuna ka dhigay 2-2

Rigoorada shanaad: Ibora ayaa dhaliyay oo Leicester ah wuxuuna ka dhigay 3-2

Rigoorada lixaad: Lucas ayaa dhaliyay kana tirsan City wuxuuna ka dhigay 3-3

Rigoorada 7-aad: Gabriel Jesus ayaa dhaliyay kana tirsan City wuxuuna ka dhigay 3-4

Rigoorada 8-aad: Jamie Vardy ayaa qasaariyay oo Leicester ka tirsan

Rigoorada 9-aad: Riyad Mahrez ayaa qasaariyay waxaana ka bad baadiyay goolhaye Bravo sidaasna City ayaa 4-3 ugu soo baxday Semi Fiinaalaha tartanka Carabao Cup.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here