DHAGEYSO: Wasiir Khadiijo oo ka hadashay Tartanka Ciyaaraha D/Goboleedyada

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay Khamiista oo 7-da bishan ay ku beegan tahay in Muqdisho uu ka furmi doono Tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada.

Waxa ay sheegtay inta badan Ciyaartoyda Dowlad Goboleedyada in Muqdisho ay ku sugan yihiin, ayna diyaar u yihiin in Ciyaarahan ay ka qeyb galaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegtay in Tartankan ay rajeynayaan inuu ku soo dhamaado hanaan wanaagsan oo aysan jiri doonin in loo kala eexdo Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada.

Wasiirada ayaa waxaa kormeerkeeda ku wehlinayay ku xigeenkeeda Axmed Cumar Islaw, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubada cagta dalka, Cali Cabdi Maxamed, agaasimaha guud ee wasaarada Isaaq Xaashi, Xoghayaha guud ee xiriirka Xasan Maxamed maxamuud , Madaxa xafiiska lojistikada ee xiriirka kubada cagta Abuukar Islaw, iyo la taliyaha wasiirka Ibraahim Xuseen Cali (Roombe).

Ujeedada wasiirka iyo wafdigeedu u booqdeen garoonka ayaa ahayd in ay u kuurgasho sida garoonku ugu diyaarsan yahay marti gelinta cayaaraha maamul gobaleedyada dalka oo ay ka qeyb geli doonaan Shan maamul gobaleed iyo gobalka Banaadir.

HALKAAN KA DHAGEYSO COKA


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.