DHAGEYSO: Kulan dhexmaray Masuuliyiinta Jubbaland iyo wafdi ka socday Jarmalka

Wafdiyo kala duwan oo ka kala socday Dowladda Jarmalka qeybteeda horumarinta oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay kulamo la yeesheen Madaxda Jubbaland.

Kulamada ayaa intii ay socdeen waxaa diirada lagu saaray horumarka degaanka iyo mashaariic kor loogu qaadayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa u mahadceliyay wafdiga ka socda Jarmalka, wuxuuna sheegay Jarmalka mar walba in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada horumarka Jubbaland.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.