Dhageyso: Farmaajo Oo Si Cajiib Ah Uga Hadlay Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlu-sunna

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiska ay wada galeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore Madaxweynaha Galmudug iyo Sheekh Maxamed Shakir ku ammaanay sida ay u soo dharaan dharinayeen heshiiska iyo meesha ay hada ay soo gaarsiiyeen, wuxuuna ugu baaqay in la dhaqan geliyo heshiiska la gaaray.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Golaha Wasiirada Galmudug, Xildhibaanada iyo shacabka Gobolada Dhexa ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan sidii horey loogu sii socon lahaa, si looga baxo dhibaatooyinka hada ka jira Gobolada Dhexe.

Heshiiskan ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir uu noqonayo Madaxa Xukuumada dowlad goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul goboleedyada dalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.