Carqalad Cusub Oo Lagu Abuurayo Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlu-sunna

Kadib Markii dhawaan heshiis ay Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti ku gaareen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa arintan waxaa ka horyimid garabkii hore Ahlusuna ee heshiis horey ula galay Maamulka Galmudug.

Sheekh Cumar Sheekh C.qadir Guddoomiyaha Golaha Talada  Ex Maamulkii Ahlusunna ayaa waxaa uu sheegay inay ka soo horjeedaan heshiiskii ay wada gaareen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale geelle xaaf iyo Madaxweynaha Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir.

Waxaa uuna tilmaamay heshiiskaasi uu ahaa mid sharci daro ah,islamarkaana waxaa la weydiiyay sheekha halka ay haatan ka taliyaan garabka uu sheikh Cumar u hadlayo waxaa uuna sheegay in deegaano badan ka tirsan Gobalka Galgaduud ay iyagu maamulaan.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.