Barcelona Oo War Kasoo Saartay Dacwad Ka Dhan Ah Heshiiska Griezmann Oo Ay Kooxda Atletico Madrid U Gudbisay FIFA

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ceyrsaneyso saxiixa xiddiga reer Faransiiska ee Antoine Griezmann, inkastoo ay Atletico kula jirto qandaraas ilaa 2022ka ah.

Atletico Madrid ayaa go’aansatay inay dawcad u gudbiso uruurka kubada cagta adduunka kadib markii ay ogaatay in Barcelona qalqaalo sharci darro ah ugu jirto Antoine Griezmann.

Barcelona ma aysan la xaajoon ciyaaryahan heshiis kula jira koox kale, sidaasi darteed waxaan fahamsanahay in wax xumaan ah aanan sameyn” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Barcelona.

Dhammaan wargeysyada waaweyn ee dunida ayaa siyaabo kala duwan u falanqeeyay hadalkii Agaasimaha xiriirka hay’adaha Barcelona Guillermo Amor ku diiday inuu meesha kaga saaro suurta galnimada ay kula wareegayaan Antoine Griezmann.

Catalans ayaa laga yaabaa inay wajahdo baaritaano dheeraad ah haddii ay FIFA aqbasho dacwada ay soo gudbisay kooxda Atletico Madrid.

Atletico Madrid ayaa ku dhawaaqday in Barcelona ay la tiigsan doonto kiis sharci darro ah oo ay ku dooneyso weeraryahankooda Antoine Griezmann.

26 jirkaan heerka caalami ee reer France ayaa qandaraas cusub u saxiixay kooxdiisa bilowgii sannadkaan, waxaana uu sii joogi doonaa kooxda ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2021-22.

Griezmann ayaa lala xiriirinayaa kooxo dhowr ah oo ay kujirto Manchester United.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la fahamsan yahay in Atletico kaliya cabsi ka qabaan wadahadalka Barcelona kula jiraan xubno kamid ah qoyska Antoine Griezmann.

Kooxda Isbaanishka ayaa sheegtay inay Barcelona jabisay sharciyada Fifa ee dhanka suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Afhayeen u hadlay FIFA ayaa yiri: “Waan cabasho ka helnay kooxdaAtletico Madrid, waan qiimeyn doonaa ilaa inta macquul ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here