Arsenal Oo War Naxdin Badan Kasoo Saartay Dhaawac Xalay Soo Gaaray Olivier Giroud, Waase Sidee Xaalada Francis Coquelin?

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa ka walwalsan dhaawaca soo gaaray Olivier Giroud intii lagu jiray kulankii 1-0 EFL ay kaga badiyeen kooxda West Ham.

Giroud oo fursadii ugu weyneyd ee kusoo bilaabasha ah helay xalay, waxaa soo gaaray dhaawac lugta midig ah daqiiqadii 78aad ee ciyaarta.

Francis Coquelin ayaa sidoo kale dhaawac uu kasoo gaaray kulankii quarter-final-ka tartanka EFL Cup, laakiin waxaa la filayaa inuu diyaar u noqdo kulanka Jimcaha ee Liverpool.

Wargeysyada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in weeraryahanka reer France Giroud uu seegi doono garoomada kulamada mashquulka badan oo ay kooxdiisa ciyaareyso ka hor sannadka cusub.

“Waxa ay u eg tahay inuu maqnaan karo muddo, waa inaan sugnaa baaritaanka iyo waxa kasoo baxa 48 saacadood ee soo aadan” ayuu Wenger u sheegay suxufiyiinta shirkiisii jaraa’id ee ciyaarta kadib uu qabtay.

“Khamiista waxaan ogaan doonaa muddada saxda ah ee uu maqnaanayo, waayo waxaa soo gaaray dhaawac u baahan in laga taxadiro waqtiga uu qaadan karo ayuu yiri Wenger.

Wenger ayaa shaaca ka qaaday in Olivier Giroud maqnaan karo ilaa saddex ama laba isbuuc, taasna ay caqabad weyn ku tahay kooxdiisa oo kulamo adag kusoo socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here