Arsenal oo iska xaadirisay Nus dhamaadka tartanka Carabao Cup kadib markii ay reeben West Ham

Danny Welbeck ayaa ka caawiyay in kooxda Arsenal iska xaadiriso Semi Fiinaalaha ama Nus Dhamaadka tartanka Carabao Cup.

Kulanka dhacay garoonka Emirates waxay 1-0 guusha kaga qaadatay naadiga West Ham United ayadoo qaybtii hore cayaarta dhamaad ku dhow West Ham la gaaday.

Danny Welbeck ayaa daqiiqadii 42-aad shabaqa West Ham soo taabtay waxaana goolka caawinaad ka geestay Mathieu Debuchy.

Qaybta labaad cayaarta Arsenal waxaa dhaawac kasoo gaaray Olivier Giroud oo laga cabsi qabo inuu mudo dheer garoomada ka maqnaado xili Gunners-ka kulumo mashquul badan kusoo fool leeyihiin.

Goolkii Welbeck dhaliyay qaybta hore cayaarta ayaa Arsenal kaga filnaaday inay 1-0 guusha kaga qaataan West Ham United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here