XOG: Maraykanka Oo Saldhig Milatari Ka Furanaya Muqdisho Iyo Warar Sheegay in..

0

Dowladda Mareykanka ayaa saldhig Militari oo ka weyn midka Turkiga ka furan rabto magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya sida ay illo wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Shabakadda Marqaati Online.

Dowladda Mareykanka oo uu xilfaaltan Militari kala dhaxeeyo dowladda Turkiga ayaa aqbali weysay inuu Turkiga Saldhig ka sameysto Magaalada Muqdisho oo ah meel istaraatiiji ah oo ku taalo Geeska Africa.

Xogta aan haleyno ayaa sheegeyso inuu Mareykanka calaamadeystay dhul ilaa 5Km oo isku weer ah, taasoo tusineyso inuu Saldhigaan ka weynaan doono midka Turkiga ka furatay Muqdisho oo lagu sheegay inuu yahay 4Km.

Dowladda Mareykanka ayaa qorsheeneyso inay Saldhigaas dajiso Ciidamo badan oo ka mid ah kuwa sida gaarka ah u tababaran, waxayna sidoo kale xeebaha Muqdisho keeni doontaa Maraakiib dagaal iyo Diyaaradaha Qumaatiga u kaco.

Arrintaan ayaa noqoneyso mid halis weyn ku ah Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxaana muuqato inay hadda Soomaaliya noqotay meel ay ku loolamaan dowladaha Carabta, Turkiga iyo Mareykanka.

Meesha uu Mareykanka calaamadeystay ee uu doonayo inuu Saldhig ka sameysto ayaa aad ugu dhow halka ay dowladda Turkiga k furatay Saldhigga, midaas oo iyadana noqon doonto khilaaf cusub oo ka dhex bilowdo dowladaha Turkiga iyo Mareykanka.

Waxaa xusid mudan inuu labadaan dowladood hadda ka dhaxeeyo khilaaf diblomaasiyadeed, kaasoo gaaray heer ay dowladda Turkiga xerto xubno ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee Ankara.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin Saldhigga uu Mareykanka ka furan rabo Magaalada Muqdsiho oo ah Caasimadda Soomaaliya, waxaana la qiyaasayaa inay Muqdisho noqon doonto furun dagaal haddii ay Mareykanka Saldhigg ka sameystaan.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horey Saldhig Militari uga furatay Magaalada Berbera, halkaas oo la sheegay in laga duqeyn doono dalka Yeman oo ay Dowladaha Carabta ka wadaan dagaal ay doonayaan inay meesha uga saaraan Xuutiyiinta Yeman.

Dalka Soomaaliya ayaa kusii dhacayo bohol weyn oo ay adkaan doonto in laga soo laabto, haddii aan laga fiirsan qorshooyinka ay dowladaha Shisheeye ka fulinayaan, gaar ahaan saldhigyada Militari oo la ogyahay inay saameyn weyn yeelan doonto marka ay isk khilaafaan dowladadha saldhigyada ka sameysto Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here