Wax walba oo aad uga baahantahay kulanka Newcastle United vs Liverpool

Newcastle ayaa rajo wanaagsan ka qabta in ay cashar usoo dhigaan kooxda Liverpool oo muddooyinkaan ay Premier League aad uga habacsantahay iyadoo ciyaar xiiso badan ay Axadda ku dhexmari doonto St James’ Park.

Liverpool xagaageeda ayaa u muuqda mid aan qurux badneyn, in kastoo ay kusoo furteen guushii weyneyd ee 4-0 ay ku direen Arsenal balse intaas keddib inkaartii ka raacday waa la ogaa keddib dhammaadkii August, kooxda Klopp ayaa badisay kaliya 1 mar 6-dii kulan e ay ciyaartay bishaan September.

Naadiga Reds ayaa ku garab dhacday kooxihii ay wajahday labada kulan ee ugu horreeyay Champions League guruubkiisa waxayna fadhisaa 8 dhibcood ka hooseysa hoggaanka Premier League, in kastoo kulankan uu u harsanyahay waa in ay ka badiso kooxda Newcastle Axadda si ay uga sare marto kooxda Chelsea.

Wax walba waxay u muuqdaan in Newcastle ay dhibaato ku noqon doonto khasaare soo gaara iyadoo 3dii kulan ee furitaanka horyaalka khasaartay, balse Magpies ayaa haddana badisay 3 kulan oo xiriir ah – ka hor inta aysan khasaare kala soo kulmin Brighton Usbuucii hore, sidaas ay tahayna Rafa Bentiez waxay kooxdiisu fadhisaa kaalinta 9-aad ee kala horreynta.

Kulanka: Newcastle vs Liverpool

Garoonka: St James’ Park

Saacadda: 06:30pm Maqribnimo waqtiga Geeska Afrika

WARARKA KOOXAHA

Aleksandar Mitrovic ayaa la sheegayaa in uu safka kusoo laabanayo keddib markii uu soo dhammeystay ganaax 3 kulan ah oo uu uga maqnaa kooxdiisa Magpies.

Klopp ayaa heli doona Sadio Mane keddib markii weeraryahanku uu isna soo qaatay 3 kulan oo ganaax ah kulankii 5-0 ay uga badisay Manchester City ayaana ciyaaraha Gudaha laga ganaaxay.

Nathaniel Clyne iyo Adam Lallana ayaan labaduba safka imaan doonin mid walba oo ka mid ahna soo kabasho ayuu ku jiraa, halka Simon Mignolet loo maleynayo in uu safka koobaad kusoo billaaban doono keddib markii Loris Karius loo doortay shabaqa kulankii ay kooxdu1-1 la dhaafi weysay Spartak Moscow ee Champions League.

SAFAFKA KOOXAHA

Safka Newcastle: Elliot, Yedlin, Lascelles, Clark, Mbemba, Hayden, Merion, Ritchie, Perez, Atsu, Mitrovic

Safka Liverpool: Mignolet; A.Arnold, Matip, Lovren, Moreno; Can, Henderon, Coutinho; Salah, Mane, Firmino


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.