WARBIXIN: Dowlada oo Iclaamisay dagaal deg deg ah & Taliyaha Militeriga oo u hanjabay Shabaab

Taliska ciidamada Militeriga dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab oo saameyn doona min Gobol ilaa tuullo.

S/Gaas Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) oo ah Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dagaalka uu ka bilaaban doono dhammaan Gobolada dalka, waxa uuna sheegay in dalka looga sifeyn doono Alshabaab.

Cirfiid, wuxuu sheegay in wixii xiligaan ka dambeeya aysan jiri doonin in Ciidamada Xoogga ay ka gaabiyaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Wuxuu sheegay in dagaalka uu si siman uga bilaaban doono meel waliba oo ay Alshabaab kaga sugan yihiin Somalia.

Cirfiid waxa uu farta ku fiiqay in maleeshiyaadka Alshabaab ay ku sugan yihiin degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka, Ciidamada xoogga dalka ayuu ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaalka Shabaab.

Waxa uu Cirfiid cadeeyay in dagaalka bilaaban doona ay ka qeybqaadan doonaan ciidamada AMISOM oo uu tilmaamay inay lasoo afjarayaan dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Cirfiid ayaa hadalkan ka sheegay degaanka Bariire oo uu kula hadlaayay Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Militeriga.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.