Wararkii ugu dambeeyey Dagaal ay ka qeyb qaateen Ciidamada Muqtaar Rooboow oo ka dhacay Gobolka Bakool

0

Xaalad deganaansho ah ayaa laga dareemayaa deegaano ka tirsan Gobolka Bakool gaar ahaan deegaanada Siinaley iyo Abal halkaas oo ay ku dagaalameen Ciidamada Muqtaar Rooboow iyo Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalkaas oo bilaawday shalay Gelinkii dambe ayaa Soo gaaray xalay fiidkii, waxaana la sheegay in uu is dhashay khasaaro isugu jira dhimasho dhaawac balse aan wali la ogeyn tirada rasmiga ah.

Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in ay dagaalkaas dad farabadan ku dileen hub farabadan ay ku qabsadeen.

Weli Al-Shabaab dhankooda kama hadlin dagaalkaas balse,dadka deegaanka qaarkood at sheegayaan in ay cabsi dareemayaa.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay deegaano lagu Magacaabo Siinaley oo hoostaga degmada Xudur,waxaana la sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid aad culus.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Gacma oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid ay Ciidamada wadajira ee Koonfur Galbeed iyo kuwa Muqtaar Rooboow ay guulo ka gaareen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamada Muqtaar Rooboow ay weerareen deegaanka Siinaley oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab isla markaana ay khasaaro u geesteen ayna soo furteen hub farabadan sida uu hadalka u dhagay.

Ciidamada Muqtaar Roobow oo fariisin ku leh deegaanka Abal ee Gobolka Bakool ayaa dagaalka ka qeyb qaatay waxaana la sheegay in dagaalkaas uu soo gaaray ilaa Xalay fiidkii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here