Waa Kuwee labada Madaxweyne Goboleed ee soo jeediyey in xiriirka loo jaro Dowladda Dhexe?

0

Sida aad wararkeenii hore ku akhrisateen madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa dood badan ka yeeshay fikrad ay soo jeediyeen laba Madaxweyne oo ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee Kismaayo isugu tagay.

Dooda badan ayaa ka dhalatay Fikirkaan, waxaana markii dambe la isku afgartay inaan dowladda xiriirka loo jarin.

Shabakadda Marqaati Online ayaa waqti badan ku bixisay sidii ay usoo ogolaan laheyd magacyada labada Madaxweyne ee Fikirkaas soo jeediyey.

Haddaba mid kamid ah dadka ka qeybgalayo Shirka Kismaayo ka socdo ayaa Shabakadda Marqaati Online si rasmi ah ugu xaqiijiyey labada Madaxweyne ee fikirkaas soo jeediyey balse ku guuldareystay.

Madaxweynayaashaas ayaa kala ah:

  1. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay inay tahay in dowldda Soomaaliya xiriirka loo jaro, maadaama uu sheegay inay faragelin toos ah ku sameysay maamulkiisa iyo Maamulka Galmudug, wuxuuna Madaxda kale ka codsaday inayu fikirkaan soo dhaweeyaan.
  2. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaf ayaa ah Madaxweynaha Labaad ee fikirkaas qabay, wuxuuna dowladda dhexe ku eedeeyey inay si toos ah u faragelisay Maamulkiisa isla markaasna sida uu hadalka u dhigay ay ka shaqeysay sidii meesha looga saari lahaa.

Fikirka labadaan madaxweynaha ayaa waxaa si weyn uga hor imaaday madaxweynayaasha kale oo sheegay inay arrintaan tahay mid saameyn ku yeelan karto Soomaaliya iyo rajada Shacabka, waxayna kula taliyeen Shariif Xasan iyo Xaaf inay iska iloobaan Fikirkaas.

Illo Wareeyada xogtaan na siiyey ayaa sidoo kale noo xaqiijiyey in ugu dambeyn la qaatay go’aanka ah inaan dowladda xiriirka loo jarin, waxaana la xusay in arrintaan laga gudbay iyadoo aysan qancin Shariif Xasan iyo Xaaf oo u muuqday inay ka go’need in gebi ahaanba lagu dhawaaqo in Xiriirka loo jaray dowladda dhexe laguna daro qodobada lasoo saari doono.

Wixii warar ah ee kusoo kordha Kismaayo waad la socon doontaa Inshaa Allah, waxaana saacado kadib la filayaa in lasoo saaro qodobada shirkaas kasoo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here