Shirkii Kismaayo oo lasoo xiray iyo qodobkii ahaa in dowladda xiriirka loo jaro oo go’aan laga qaatay

0

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubblanad ayaa sheegayo in xalay  lasoo gabagabeeyey kulankii halkaas uga socday madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Maanta ayaa la filayaa in si rasmi ah loo soo saaro war murtiyeedka shirkaas oo ah mid aad loo wada sugayo.

Shabakadda Marqaati Online oo illo wareedyo ku leh shirka ka socdo Kismaayo ayaa heshay xog ku aadan in go’aan laga qaatay qodobkii ahaa in dowladda Soomaaliya xiriirka loo jaro.

Qodobkaan oo ay soo jeediyeen laba madaxweyne oo kamid ah kuwa Maamul Goboleedyada oo aysan noo suurtagelin inaan helno kuwa ay yihiin ayaa lasoo sheegayaa in la isku fahmi waayey isla markaasna guud ahaan dariishada laga tuuray kadib markii ay ka hor imaadeen seddex kamid ah Madaxda Maamulada halkaas ku shirsan.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa si wadajir ah isugu raacay qodobo ka mid ah siyaasada dalka, sida in laga wadatashado arrimaha masiiriga ah, in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iska kaashadaan amniga, la dagaalanka Al-Shabaab iyo kuwa kale.

Sidoo kale Maamul goboleedyada ayaa la sheegay inay isku raaceen in la soo celiyo Madashii Wadatashiga Qaran ee horay u jiray dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Waxaa la filayaa in ugu dambeyn saacadaha soo socdo Kismaayo lagu qabto xaflad lagu sheegay inay tahay middii Saxaafadda loogu soo bandhigi lahaa qodobada lagu heshiiyety.

Marqaati Online ayaa saakay idinla wadaagtay warbixin ka hadleysay Madaxweyne Farmaajo oo qadka taleefoonka kula hadlay Madaxda maamul Goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here