Shabaab oo isaga baxayo Boni iyo Lamu (Sababta Akhriso)

Dowladda Kenya ayaa sheegtay kaddib howlgallo xiriir ah oo ciidamadeeda ay ka sameeyeen Keynta Booni iyo Degaanka Lamu in ay horseedday in Al-shabaabbay ka baxaan degaannada xeebta ah.

Agaasimaha howlgalka xoreynta Boni ee Kenya  Joseph Kanyiri,ayaa sheegay in 5; ka mid ah Al-shabaab ay dileen islamarkaana ka furteen 6 Qori oo AK47 ah,321 xabbo oo Rasaas ah,Saddex Garneyl iyo Waxyaabaha qarxa.

Howlgalka Ciidamada Kenya ayaa jirsaday lix sano Bishan ayuuna gaarayaa sanadkii lixaad,Al-shabaab waxaa ay wali ka dagaallamayaan gudaha Kenya waliba si ka xoog badan sidii howlgalka Al-shabab ee gudaha Kenya uu ahaa ka hor 2011kii.

Joseph Kanyiri,waxaa uu sheegay in Ciidamada KDF ay sameyaan howlgal joogto ah joogitaankooda degaankaasna uu aad u badanyahay islamarkaana ay helaan xogta Ragga ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in dadka deggan Gobolka Xeebta ah iyo xoolo dhaqatada ay ka helaan xogta ugu badan ee la xiriirta Goobaha ayu Al-shabaab ku suganyihiin,waxaana uu intaas ku daray in Bishan October iyo Bishii ka horreysay ay ka gaareen guulo la taaban karo.

Waxaa uu yiri “Al-shabaab hadda waxaa ay ku dhuumanayaan degaanka Bodhei oo ka mid ah  Keynta Booni,waxaa ay yihiin kuwo gambanaya,ma awoodaan in ay Ciidamada Kenya toos uga hor yimaadaan,waxaana wadnaa howlgal aan dooneyno in aan cabsida Al-shabaab ee dadka degaanka la kulmaan ku ciribtirno weyna dhowdahay”.

Dadka degaanka ayuu ka codsaday in ay laba jibaaraan qaabka ay xogta ula wadaagaan Ciidamada,marka ay arkaan Al-shabaabna ay ciidama deg deg u wargeliyaan si wax looga qabto.

Ruweida Obbo, oo ah Haweenyda Lamu ku matasha Haweenka ayaa sheegtay in natiijada howlgalka xoreynta Keynta Booni ay ku faraxsanyihiin,sidoo kalena ugu yaraan ay arkayaan Ciidamada dowladda oo habeen iyo maalin wareegaya degaankaas islamarkaana mararka qaar dagaal la gelaya xubno ka tirsan Al-shabaab.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.