Ra’iisul Wasaare Kheyre “Yaan qofna laga ogolaan dhaliil dalka lagu duminayo”

0

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa Xalay si dadban oo xanaf laga dhadhansan karay u weeraray Madaxda Maamul Goboleedyada, ka dib markii ay maanta Magaalada Kismaayo ka soo saareen War Murtiyeed culeys ku ah Dowladda Federaalka.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka qaybgalay munaasabad lagu xusaayay Maalinta Calanka Somaliyeed, laguna soo bandhigayay Golaha Dhalinyarada Qaranka, ayaa wuxuu ka sheegay inaanan qofna laga ogolaan doonin dhaliil dalka lagu burburinayo.

“Waxaa muhiim ah in aan qofna laga ogolaan dhaliil dalka lagu duminay, dhaliil ujeeddo gaar ah leh oo lagu fushanayo dano qaas ah in lagu dumiyo iftiinka nolosha ee hada u soo if baxay”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Isagoo aanan cidna carabaabin ayuu sheegay inay dhamaatay waqtigii ay madaxda niyad jabi jiraan ama in buuq siyaasadeed inta furmo ay Madaxda albaabada soo xiran jireen.

“Waa dhamaatay waqtigii la niyad jabi jiray, madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwaas, maalmo ayaa la qeylinaya ama buuq siyaasadeed ayaa la furayaa waxaa idin balan-qaadayaa in aan idinla mari doono illaa meesha ugu dambeysa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horay u socoto, isla markaana aysan gadaal u noqon doonin.

“Soomaaliya horay ayay u socotaa, gadaal uma noqoneysa, Soomaaliya waxay ku socotaa meel barwaaqo ah anaga ujeedna oo idin soo aragnay dhulka barwaaqada aan u socono”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa shacabka Somaliyeed ee niyad jabka ka muujiyay xaaladda hadda jirtaahi u sheegay in Madaxda maanta aanay ahayn sida kuwii hore oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here