Qaraxyo lagu weeraray xarun ay degnaayen ciidamada dowlada & Khasaaro ka dhashay

Wararka naga soo gaaraya Ex Control Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaa laga maqlay Qaraxyo xoogan oo dhowr ah.

Qaraxyada oo aad u cuslaa ayaa la sheegay in lagu weeraray xarun ay ciidamada dowlada ku lahaayen Ex Control Afgooye, waxa uuna weerarku dhacay xili ay ciidamadu ku guda jireen nasiino.

Inta badan Qaraxyada ayaa lagu weeraray Xarun ay ciidamadu ku jaraan boonada Canshuurta Gaadiidka magaalada Muqdisho waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidamada ku dhaawacmay Qaraxyada iyo kuwa ku dhintay ayaa la sheegay in loo soo qaaday xarumaha caafimaad ee ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in dhaawacyada qaar ay yihiin kuwo aad u liita, sida aan kasoo xiganay Sargaal ka badbaaday Qaraxa.

Weerarada ugu badan ee ka dhaca Ex-Control ayaa waxaa loo adeegsadaa Bam gacmeedyo, walow ay ciidamadu iska difaacan.

Dhinaca kale, weerarka ayaa ku soo beegmay Saacado kadib markii meel u dhow Ex-Control lagu dilay mid ka mid ah Ergadii Baarlamaanka Soomaaliya ku soo dooratay magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.