Museveni Oo Saraakiil Militari Cusub Usoo Magacaabay Dalalka Somalia, Sudan iyo DR Congo

0

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sedex saraakiisha difaaca oo cusub usoo magacaabay dalalka Somalia, Sudan iyo DR Congo.

Isbadaladaan dhinaca Militariga ah maalintii Isniinta ahayd ayaa lagu dhawaaqay, wuxuuna sheegay Af Hayeenka Militariga Uganka Brig Richard Karemire in isbadaladaan looga dan leeyahay in sare loogu qaado amaanka iyo nabad galyada hawl galka ciidan ee Uganka ka hayaan dalalkaas.

Sarkaalka cusub ee ciidanka difaaca Uganda loo soo magacaabay Soomaaliya waa Brig Lucky Kidega wuxuuna badalay Brig Octavious Buturo.

Brig Kidega wuxuu ahaa abaan duuliyaha kowaad ciidamada dhexe ee gudaha Uganda hadana hawl galka Soomaaliya ee Uganda ayuu hogaamin doonaa.

Dhinaca kale Brig Omera Tingira ayaa loo doortay inuu hogaamiyo ciidamada difaaca Uganda ee ka hawl galaan gudaha Sudan waxayna xaruntiisa noqon doonaa magaalada Khartoum.

Brig Tingira horey Soomaaliya ayuu kaga soo shaqeeyay asigoo waaxda sirdoonka ka tirsanaa waxaana xusid mudan in Uganda iyo Sudan xiriirkooda wanaagsan yahay inkastoo shan sano ka hor qilaaf xoogan dhex maray labada dal.

Afhayeenka ciidamada Uganda Brig Richard Karemire wuxuu yiri “Isbadalo dhanka saraakiisha oo caadi ah ayaan sameenay si loo buuxiyo jagooyinka banaan sidoo kalena amniga iyo hawl galka Militari ee aan ka wadno dalalka walaalaheena ah ayay sare u qaadi doontaa isbadaladaan”

Uganda siweyn ayay ugu lug leedahay nabad galyada dalalka Somaaliyaa, Sudan iyo DR Congo, waxaana Uganda ka joogaan Soomaaliya in ka badan 6000 oo askari waxaana bilaawdeen wada hadalo ciidamadaas gudaha Somaaliya looga saarayo.

Waxaa la rajeynaa in AMISOM doorkeeda amaanka gudaha Soomaaaliya ku wareejin doonto ciidamada Soomaaliya marka la gaaro 2020.

Ugu dambeyntii  Brig Dick Olum ayaa loo magacaabay inuu hogaamiyo ciidamada difaaca Uganda ee DR Congo ka hawl galaan qaybna ka ah xulufada Allied Democratic Forces [ADF] ee bariga DR Congo ka hawl galaan.

Brig Dick Olum wuxuu badalay Brig Taban Kyabihende kaasi oo dhawaan geeriyooday sidoo kalena Brig Olum wuxuu horey u ahaa abaan duuliyaha Uganda ciimada Soomaaliya ka joogaan intii u dhaxeesay 2014-2015.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here