”Marna kama tageen quruxdii taalley Talyaaniga haddii ay teeyda tahay” – Alvaro Morata oo shallaayay

Qannaaska Chelsea ee Alvaro Morata ayaa qirtay “Inuusan abid ka tageen kooxda Juventus iyo Talyaaniga” haddii buu yiri ay taladu aniga ii taallo.

Morata ayaa Juve la hantay laba Scudetti isagoo sidoo kale sanad la yimi final-ka  Champions League laba fasal-ciyaareed oo uu kooxdaasi la joogey, kahor intaanu ku biirin kooxda Real Madrid xagaagii hore.

Yeelkeede, wiilkan reer Spaniard kuma waarin halkaasi – tiiyoo uu dhaliyay goolal rikoodh jebis ahaa fasalkii 2016-17 – isagoo ku biiray kooxda Chelsea xagaagan.

“Maxaan ugu laabtay Real Madrid? Maxaa wacay waxaa jirey waajib qandaraas oo ay khasab ahayd inaan ixtiraamo,” ayuu ku yiri Gazzetta dello Sport.

“Niyad jabka aan ka qaaday xisaab ma lahayn: Waxaan dib ugu laabtay meeshii aan taagnaa. Waxay iila dhaqmeen sida wiilkii yaraa ee la joogey laba sano kahor, halka Juve aan ku bartay caqliyad guuleed iyo xirfadlenimo.” ayuu yiri.

“Halkaas waxaan tegey anigoo wiil yar ah waxaana soo noqday anigoo laacib ah. Laacibka Spanish-ka ah Italy wuxuu u yahay dalka ugu fiican ee lagu noolaado, waayo waxaad haysataa wax kasta qurux, taariikh, fan, cunto macaan, xarrago. Weligeey kama tageen Talyaaniga iyo Juve.” ayuu u shalllaayay.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.