Man City ‘Unbeaten’ maku qaadi kartaa Premier League sidii Arsenal oo kale!???

Xiddiga waqtigan ugu shidan Premier League Kevin De Bruyne ayaa aaminsan in kooxdiisa Manchester City aysan ku guuleysan Karin Premier League iyadoo aan marna laga adkaan.

Arsenal ayaa kal ciyaareedkii 2003-04, ku guuleystay Premier League iyadoon aan dhinaceeda marna dhulka la dhigin.

Man City oo 10 kulan oo qura ku dhalisay 35 gool ayaa la soo hadal qaaday inay ku guuleysan karto PL iyadoon laga adkaan balse De Bruyne ayaa sheegay inaysan suuro gal ahayn sheekada waqti xaadirkan.

“Inaan ku guuleysano innagoon nagala adkaan, hagaag, aad ayay u adag tahay. Ma aaminsani inay taa suuro gal noqon doonto,” De Bruyne ayaa sidaa yiri.

“Heerka tartanka waa mid aad u sarreeya, koox kasta, anoo xushmad badan muujinaya kooxaha ma ahan sidii ay 10 ama 15 sano ka hor ahaan jireen halkaa oo ay joogeen kooxo aan kuwa sare sare ka adkaan Karin,

“Iminka kulan kasta wuu adag yahay waxaadna u baahan tahay inaad maskax ahaan joogto . maadaama uu jiro Champions League iyo koobab kale waxaa jiri kara kulan aad guul darreysato, laakiin way fiican tahay ilaa intaad guul darro la’aan tahay.”.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.