KASHIFAD: Labo Arrin Oo Loo Maleynayo Iney Isku Casileen Wasiirka Gaashaandhigga Iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

2

Manta waxaa is casilay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed iyo sidoo kale wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya, iyadoo is casilaadooda ay warar badan kasoo baxayaan.

Xog hoose oo ay heshay Marqaati Online ayaa sheegeysa in sababta ka dambeysa is casilaadooda loo maleynayo Labo arrin oo maalmahan dambe taagneyd, sidoo kalena ku qotonta Hal meel.

Arrinta ugu weyn ayaa ah dagaalkii ka dhacay deegaanka Bariire ee Shabellaha Hoose, waxaana halkaasi lagu laayay ciidan badan oo xoogga dalka ah.

Waxay madaxdan tagtay ku eedeysnaayeen in ay iyaga mas’uul ka ahaayeen ciidnkaan la laayay maadaama ay diideen in gurmad degdeg ah loo diro deegaanka Bariire.

Arrinta kale ayaa ah shacabkii ay ciidanka dowladda iyo Maraykanka ku laayeen deegaanka Bariire, waxaana middaasi keentay in madaxdaan ay si fudud uga kala hadlan arrintaan, walow wasiiro kale ay tani saameyn doonto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray mas’uuliyiintan iney is casilaan, sababtuna waxay tahay wuxuu madaxweynaha diidanaa in xilalka laga qaado.

Dowladda Farmajo waa xubnhii ugu horreeyay ee is casilay, waxaana la sugayaa tallaabada kale ee xigi doonta.

2 COMMENTS

  1. Xilka qaadid ama iscasilaad
    Labodaan Nin ayaa ka soo kala jeeda Galmudug iyo Koofur Galbeed , Gaashaandhigga, ( Mirifle / Leysaan)halka Taliyaha Xooga Dalkuna uu ka soo jeedo Galmudug, soo lava mayaabo in Labadaan Nin Ay ka gaabsadeen Baaqyo uga imaanaayay RW Kheyre oo ah in Ay Wax ka qabtaan Mundane Xaaf iyo Shariif Hassan ayna Xoog Ku muquuniyaan Ayagoo wato shaar Dowlada DHEXE ah , markii look soo jeediyana Ay ka cudur daarteen arimaha laxariir qilaafka Dowlada DHEXE iyo man Maamul Golaleedyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here