”Intii aad laba weerar oo aan dab lahayn aad 70 milyan ku keensan lahayd maxaa diidey qannaas wayn oo 80 milyan ah?” – Il Giorno oo Milan gar geliyay!

Cadadkii maanta soo baxay ee warsidaha Il Giorno ayaa Han Li, oo ah gacanta midig ee milkiilaha AC Milan ee Yonhgong Li waydiiyay tillaabooyin ay su’aalo ka taagan yihiin oo ay Rossoneri xagaagii ka qaadday dhanka suuq-xagaaga.

Warsidaha ayaa su’aal waydiiyay kooxda Via Aldo Rossi isagoo leh: “Halkii aad 70 milyan ku bixin lahayd laba weeraryahan oo aan wax badan taraynin sida Kalinic iyo André Silva, miyaadan 80 milyan kusoo qaadan karin weeraryahan wayn?”

Su’aashan ayaa markasta dul hoganaysa maamulka AC Milan oo ay dad badani qabaan in halkii ay hal mar keeni lahaayeen 11 laacib ay ku qurxoonayd inay keensadaan ilaa 5 laacib oo heer sare ah dhanka farsamada iyo khibradda intaba.

Montella ayaa haatan haysta labada kulan ee Aik Athens iyo Sassuolo si uu isu badbaadiyo.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.