Inter Milan oo berri u duulaysa dalka Shiinaha si ay usoo hesho Ramires

Xiriiriyaha Farsamo ee kooxda Inter jaalle Walter Sabatini ayaa sida la sheegayo Talaadada berri ah u safri doona dalka China si uu uga shaqeeyo qorshe Inter lagu keenayo laacibka khadka dhexe ee Jiangsu Suning ee Ramires.

Sida uu dhigayo Gazzetta dello Sport, Sabatini ayaa ka degi doona magaalada Nanjing, halkaasoo uu kula kulmi doono milkiilaha Suning Group mudane Zhang Jindong, oo ah ninka wada leh Inter iyo Jiangsu.

Warsidaha ayaa sharraxaya in Nerazzurri “aysan miisaaniyad badan u haysanin” suuq jiilaalka Jannaayo, balse aysan sidoo kale doonaynin inay laacibiin ay iibiso kusoo bedesho kuwo kale.

Laacibkii hore ee Chelsea ayaa haatan ku maqan dhaawac jilibka ah iyadoo uu naadiga Chinese-ka ihi horay waxba kama jiraan iyo war micne la’aan ah ku tilmaamay inuu ku biiirayo Inter.

Yeelkeede, La Gazzetta ayaa qoraya in xiriiriyaha farsamo ee Sabatini “uu hollin doono in arrintan heshiis laga gaaro”, isagoo laacibka ku doonaya heshiis 6 bilood ah.
Kooxda Beneamata ayaa caawa heli karta 29 dhibcood kaddib 11 kulan markii ugu horreeysey taariikhdeeda Serie A waase haddii ay ka adkaadaan kooxda Chievo Verona.

Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.