Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Galmudug Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday

0

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Xabsi guri la sheegay in la dhigay Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug Maxamed Aadan Maalin.

Maalin oo wareysi siinaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil, kadib markii ay rasaaseeyen ciidamada ilaalada ka ah Madaxtooyada Galmudug.

Waxa uu sheegay in ilaalada Madaxtooyada ay u diideen inuu ka dhexbaxo Xarunta Madaxtooyada goortii uu isku dayay inuu banaanka gaaro rasaas ooda looga qaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka maamulka Maalin ayaa xusay in gaarigiisa laga banjariyay lugaha si loosoo afjaro noloshiisa, waxa uuna nasiib darro ku sheegay in lagula kaco fal noocaas ah.

Maalin waxa uu intaa raaciyay in madaxtooyada Galmudug ay weli xabsi guri ku yihiin Hogaamiye ku-xigeenka maamulka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka iyo asagoo ah Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug.

”Waxba la iima reeban waayo dhimbilo nool nool ayaa la ii adeegsaday waxaana ku badbaaday amar kale oo keliya”

Maalin ayaa sheegay inay la xisaabtami doonaan Hogaamiye Xaaf oo uu sheegay in si cad uu uga talaabay sharciga maamulka iyo kan guud ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Maalin ayaa cadeeyay inaanu fari ka qodneyn talaabooyinka u qorsheysan Hogaamiyaha maamulka Xaaf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here