Farmaajo, Fahad iyo Kheyre oo isku khilaafay qaabka looga jawaabayo go’anadii shirka iyo sida ay wax ku dhamaadeen

0

Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa shalay war murtiyeed culus kasoo saaray Shirkii uga socday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubblanad.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa u muuqday inay isi siiyeen awood dheeri ah kadib markii ay soo saareen qodobo aysan qaarkood u laheyn Sharci.

Haddaba marka uu soo baxay War murtiyeedkaas waxaa  shalay ka dhacay madaxtooyadda Villa Soomaliya kulan saacado qaatay kaas oo looga doodayay sida laga yeelayo go’aanka ka soo baxay shirkii Kismaanyo, Kulankaan ayaa waxa isugu yimid Fahad Yasin, Xassan Cali Khyere iyo Farmaajo.

Sida aan xogta ku heleyno Fahad Yaasin ayaa ku adkaysatay in warmurtiyeed canaan ah la soo saaro oo loogu hanjabayo dowlad Goboleedyadda halka Kheyre ku adkeeysaty in aan loo jawaabin..

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baryay Fahad Yasin in uu soo saaro qoraal aan lagu soo dhawaynaynin isla markaana aan lagu diideeyinin go’aanadii ka soo baxay shirkii Kismaanyo.

Xalay fiidkii ayaa Xafiiska Madaxweyne Farmaajo soo saaray qoraal aan wax macno ah u sameeyanin umadda Soomaaliyeed, kaas oo aan taageeraynin go’aanka shirka Kismaanyo isla markaana aan diidaynin.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo isna Xalay ka hadlay Xaflad loogu dabaalgayey sanad guuradii kasoo wareegtay Maalinta Calanka ayaa sheegay inaan maamul Goboleedyada laga yeeli doonin dhaliil ay ka leeyihiin dano siyaasadeed, wuxuuna ku hanjabay inaysan madaxda Dowladda aheyn sida kuwii hore oo kale.

Mid ka mid aqoonyahanadda ku dhaqan magaalada Muqadishu ayaa yiri “Farmaajo waligiis mowqif siyaasaseed kama qaadan siyaasadda dalka, waxana ay u muuqataa in uusan lahayn aragti uu dalka ku hogaamiyo” waxaa uu ku daray

“marka aad u fiirsato dhamaan qalalaasihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay ma jirto mid uu mowqifkiisa umadda u sheegay sida arintii Qalbi Dhagax, tii baarlamaanka iyo Maxkamadda Sare, qilaafka golaha wasiirada iwm.. markaastaa oo qalalaalse siyaasadeed timaado waa uu dhuntaa… ma garanayo sida uu ninkaan dalka ku sii hogaamin karo” ayu yiri aqoonyahankaas oo u waramayey VOA.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa mugdi sii galayo, waxaana muuqato in awoodii dowladda dhexe ay la wareegeen madaxda Maamul Goboleedyada oo ka shidaal qaadanayo dalka Imaaraadka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here