Faransiiska: 29 taageere oo ku dhaawacmay garoon kubadda cagta ah oo soo dumay

Shan ka mid ah taageerayaasha ayaa dhaawacyo halis ah ay kasoo gaareen ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Faransiiska.

Ugu yaraan 29 ayey dhaawacyadu gaarayaan kuwaas oo ku dhaawacmay burbur garoonka qeyb ka mid ah ka dhacay, iyadoo daqiiqaddii16-aad kulan ka dhacayay Amiens oo ka tirsan Ligue 1 kooxda Lille ayaa hoggaanka qabatay ciyaartii garoonka Stade de la Licorne.

Intii lagu jiray dabbaal degga taageerayaashu ay u sameynayeen goolka Fode Ballo-Toure, Daraasiin ayaa kasoo daatay 1 iyo Bar mitir oo garoonka ah.

Kulanka ayaa la joojiyay keddib burburka garoonka, iyadoo uu billowday kulan ay yeelanayaan laamaha Ammaanka oo deg-deg ah.

Qareen deegaanka ah ayaa sheegay in uu furayo baaritaan dhacdada la xiriira.

Amiens v Lille ayaa loo arkaa kulan derby ah, iyadoo 98km una dhiganta (61 mile) ay kala qeybiso deegaannada labada kooxood.

Amiens ayaa ka dagaallameysa horyaalka heerka koobaad ee dalka France, markii ugu horreysay, muddo 116-Sano ah. Waxaana garoonkooda oo qaada 12,000 kun oo taageere Stade de la Licorne uu yahay garoonka ugu yar kuwa ay leeyihiin 20-ka kooxood ee ka ciyaaraya Ligue 1.

L’Equpe ayaa wariyay in madaxweynaha kooxda Bernard Joannin uu ku eedeeyay in Lille taageerayaasheedu ay dhacdada sababeen, wuxuuna yiri: “Booliska ayaa ka digay in ay meelo badan oo khatar ah garoonka ku yaallaan, Lille taageerayaasheeda ayaana halkaas degay.”

Lille madaxeeda fulinta Marc Ingla ayaa ka jawaabay isagoo adeegsanaya Twitter wuxuu yiri: “Warbixinta madaxweynaha Amiens waxay aheyd mid Mas’uuliyad darro ka muuqato waana mid Caabuqa kusii badineysa Arrinta taagan.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.