DHAGAYSO: Shabaab oo Duleedka Muqdisho ku qaarajiyay Labo Oday dhaqameed & Ciidamada DFS oo toogtay…

Xubno ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ayaa galabta saddex nin oo laba ka mida ay odayaal yihiin ku dilay Deegaanka Xaawo Cabdi, oo ku yaala wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Ammaanka ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cali Nuure Maxamed, ayaa sheegay in Shabaabku ay rasaas oodda kaga qaadeen gaari ay wateen odayaasha, halkaana ay ku dileen laba oday iyo askari la socday, halka askari kalena uu ku dhaawacmay rasaastaasi.

Gudoomiye Kuxigeenka, ayaa caawa sheegay in Ciidamada Dowladda ee ku sugan aagga Ceelasha Biyaha ay xogtaasi la wadaageen ciidanka kale ee ku sugan Xerada Laanta Buuro, isla-markaana ay ka hawlgaleen arrintaasi.

HOOS KA DHAGAYSO CODKA

Wuxuu sheegay in Ciidanka Militariga ee Laanta Buuro ay wadada u galeen gaari, ay la socdeen afar nin oo Shabaab ah, ahna kuwii odayaasha dilay, isla-markaana ay ciidanku ku guuleysteen inay iyagiina dilaan, kalana wareegeen gaarigii iyo hubkii ay wateenba.

Gudoomiye Kuxigeenka, ayaa afartaasi nin ku eedeeyay inay dhawr jeer dad ku laayeen wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye, maantana ay suurtagashay in uu Alle ku ciqaabo gacanta Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed, sida uu yiri.

Cali Nuure Maxamed oo la hadlay Radio Kulmiye, lana weydiiyay sababta ay Shabaabku u dileen odayaasha, ayaa tilmaamay inaanay dadku ku dilin sabab iyo sabab la’aan toona, balse ay iska dilaan cid kasta oo wadada maraysa.

Cali Nuure, ayaa waxa uu ku baaqaya in Dowladda Somaliya ay dardargeliso hawlgalada amni ee Gobolka Shabellaha Hoose, lana kordhiyo tirada ciidamada.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.