DAAWO: Shacabka Cadaado oo fariin adag udiray DFS kana hadlay shirka Maamulada uga socda Kismaayo

0

Shacabka Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug ayaa muujiyay sida ay utaageersan yihiin madaxweyne Axmed Geelle Xaaf iyagoo dhanka kale fariin udiray DFS.

Dadka ayaa la weydiiyay natiijada ay ka filan karaan shirka Kismaayo, waxaana qof walba uu sheegay in shirkaas uu yahay mid muhiim u ah Soomaaliya maadaama ay isku arkayaan maamuladii federaalka.

Sidoo kale, shacabka ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in madaxweynaha Galmudug uu ka qeyb galayo shirkaas kadib muran badan oo ka taagnaa magaalada Cadaado.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

“In madaxweynaha Galmudug uu shirkaas ku sugan yahay aad ayay inoo farxad gelineysaa, dowladana waxaan ka dooneynaa iney qaska ka deyso maamulka maadaama uu haatan curtay”ayuu yiri mid kamid ah odayaasha Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here