C/ C/Shakuur oo fasiraad ka bixiyey hadal sarbeeb ahaa ee uu Xaaf Sheegay (Inta Maska Nool Yahay Walee Maaxa Lama Calfado)

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa fasiraad ka bixiyey hadal sarbeeb ahaa uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ku sheegay khudbadii uu ka jeediyey shirka ka socdo Kismaayo ee maanta la filayo in laga soo saaro War Murtiyeed.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Fasiraad uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur bixiyey:L

Madaxweyne Xaaf ayaa murti ka sheegay shirkii Kismaayo, isagoo ku metelay xaalada maanta halka ay taagan tahay.

Murtida ayaa ahayd qiso qabsatay Oday Soomaaliyeed oo reerkiisii iyo Lo’diisa u dhaanshay. Odayga ayaa yimid Ceel aan biyo badnayn. Wiilkiisii ayuu Ceelka ku dejiyey si uu biyaha u soo guro. Markii uu Wiilkii Ceelka ku degey ayuu arkay Mas biyaha dhex fadhiya, Odaygii ayuu u soo qaylo dhaamiyey “Aabo Maska”.

Odaygii mar qura ayaa murug oo idil hor timid. Biyihii kama tegi karo oo baahi ayuu u qabaa, wiilkana Maska kuma dayn karo, reekiina biyo la’aan kuma noqon karo.

Odaygii wuxuu yiri “ Ceelku Maax (biyo) buu la madow yahay, Maskuna Mowd buu la madow yahay, Aniguna murug baan la madoobahay”.

Hadii aan murtidaa odayga Soomaaliyeed xaalada maanta ku fasirno, waxaa inoo soo baxaya in reerka dhaanka sugayey ay yihiin dadkeena dar xumidu daashatay. Maaxa (biyaha) yahay hogaanka la doortay ee ay dadku sugayaan in uu haqab tiro, wiilkuna yahay cida uu fulinta hawsha u igmaday.

Laakiin waxaa is waydiin leh Maska Maaxa dhex fadhiya ee wax laga calfan la’yahay oo ay Soomaali iyo Ajnabi, xigto iyo saaxib ka wada qayliyeen qaniinyadiisa.

Masku ma sahlana waana Makhkuuq col u joog ah, waa noolaha keli ah ee dhibka dadka aysan wax nafci ah kasoo gelin, mar walba dhiifoon oo buufis qaba, mooda in ay shanqar kasta isaga ku socoto. Walee inta Masku nool yahay Maaxa (biyaha) lama calfado!!


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.