Akhriso Immise bilood oo Mushaar ah ayey Shaqaalaha Rayidka, Ciidamada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ku leeyihiin dowladda dhexe?

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay xaflad lagu taageerayay Guddiga taakuleynta Ciidamada ayaa balan qaaday in dhamaadka sanadkan 2017 ay wada bixin doonaan dhamaan Mushaaraadka lagu leeyahay isla markaasna uu sanadkaan noqon doono sanadkii ay dowladda deen bixi laheyd.

Haddaba waxaa is waydiin mudan immise mushaar ah ayaa ka maqan Shaqaalaha dowladda, Ciidamada Qalabka sida noocyadiisa kala duwan iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida ay noo xaqiijiyeen shaqaale ka tirsan kuwa rayidka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu leeyahay mushaarka dhowr bilood oo aysan bixin waxaana xusid mudan inay kala duwan yihiin tirada bilooyinka ay mushaar la’aan yihiin Shaqaalaha Rayidka, Ciidamada iyo Xildhibaanada Baarlamaana Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay waxaa shaqaalaha rayidka ka maqan mushaarka labo bilood oo ay socoto bishii saddeaxaad, halka  Ciidamada Milateriga uu ka maqan mushaarka saddex bilood, bil afaraad oo hada socoto.

Ciidamada dowladda oo mushaar la siiyo waxaa ugu dambeysay bishii Ramadaan markaas oo la siiyey mushaarka hal bil sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noo xaqiiiyey inaysan wax mushaar ah qaadan labadii bilood ee ugu dambeysay.

Sidoo kale waxaa weli taagan Mushaarkii ay lahaayeen Xildhibaanadii baarlamaankii Sagaalaad oo ay ka maqan tahay mushaarka illaa lix bilood oo sanadkii hore ahaa, taasoo ay qasab tahay in dowladda Madaxweyne Farmaajo inay bixiso, waxaana laga war qabaa inay dowladda horey u ballan qaaday inay bixin doonto wixii Mushaar deen ah ee lagu lahaa dowladdii Hore.

Waxaa muuqata in labadii bilood ee la soo dhaafay ay ku adkaatay dowladda Soomaaliya inay bixiso mushaarka Shaqaalaha dowladda kadib markii ay soo wajahday Cadaadis siyaasadeed oo kaga imaaday Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda oo ku mashquushay xil ka qaadistii Cosobole iyo Khilaafka Galmudug.

Qaar ka tirsan Shaqaalaha dowladda Soomaaliya oo lasoo xiriiray Shabakadda Marqaati Online ayaa sheegay inay hadda niyadda ka jabtay, maadaama ay markii hore qabeen fikir ah in dowladda Soomaaliya ee cusub aan laga weyn doonin Mushaarka Shaqaalaha sida ay ballan qaadeen madaxda ugu sareyso dalka.

Waxay dowladda Soomaaliya ugu baaqeyn inay siiso mushaarka isla markaasna aysan ku dhaqmin dabeecadii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud oo aheyd in bilaha qaarna la bixiyo bilaha kalana la iska dhaafo, taasoo keeneyso inay Shaqaalaha Dowladda deen badan ku yeeshaan dowladda dhexe sidii dhacday Xilligii Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan heshay deeq lacageed oo kaga timaaday dowladda Sacuudiga oo gaareyso ilaa 50 Malyan oo Dollar taasoo kusoo dhacday akoonka Bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay inay  ku bixin doonto Mushaarka Shaqaalaha, Amniga iyo maareynta Siyaasadda.

Waxaana arrintaan laga dhadhansan karay hadalkii uu Kheyre ka sheegay Xafladdii Habeen hore dhacday markaas oo uu si kaslooni ku dheehan tahay ugu ballan qaaday shaqaalaha dowladda inuu sanadkaan u noqon doono mid barwaaqo ah, wuxuuna yiri:

“Waxaan rabaa inaan shacabka u sheego meel walba oo ay joogaan in sanadkan 2017 uu ahaan doono sanad qof walba oo dowladda u shaqeeyo ha ahaado ciidan ama shacab, inuu noqon doono sanad mushaar walba la bixiyay, dowladda Soomaaliyana aan lagu yeelan wax deyn ah”.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu horeysay ee waqtigeeda  waxay dhehda ka gashay muran siyaasadeed aad u weyn kadib markii dowladda Imaaraadka Carabta ay lacago siisay Madaxda Maamul Goboleedyada si dowladda Soomaaliya loogu cadaadiyo inay ka laabato go’aankeeda dhex dhexaadnimada ah ee Khilaafka Dowladaha Khaliijka.

Madaxda Maamul Goboleedada Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Kismaayo halkaas oo la filayo inay kasoo saaraan Qodobo dhibaato ku noqon doono dowladda dhexe, maadaama ay u jeedaan boorsada lacagta ah oo ay Imaaradka ka helayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here