AKHRISO: Hal Arrin Oo Kala Qabsatay Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada

0

Weli waxaa laga war sugayaa go’aanada iyo qodobada kasoo baxo shirka Madaxda Maamul Goboleedyada uga socdo Magaalada Kismaayo kaasoo lasoo sheegayo inuu dhamaaday balse maanta halkaas lagu qaban doono xaflad lagu soo bandhigayo qodobadii lagu heshiiyey.

Haddaba Shabakadda Marqaati Online oo illo wareedyo rasmi ah ku leh gudaha Dowladda iyo maamul Goboleedyada ayaa soo ogaatay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qadka taleefoonka kula hadlay dhammaan Madaxda halkaas ku shirsan isagoo u sheegay inay imaadaan Magaalada Muqdisho si loo wada hadlo.

Sida ay sheegayaan Ilo wareedyo ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, Madaxda Maamul Goboleedyada ee Magaalada Kismaayo Shirka ugu furmay Axaddii Todobaadkaan in ay soo aadayaan Magaalada Muqdisho, arrintaan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu la hadlay Shanta Madaxweyne Goboleed ee shiray.

Wararka ayaa intaa raacinaya in Kolka ay soo saaraan warmurtiyeedka Shirkaasi ay usoo amba baxayaan Magaalada Muqdisho si ay ula fadhiistaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo si ay isla meel dhigaan Geedi Socodka Dalka.

Qodobo dhowr ah ayaa la sheegayaa in Madaxda shanta ah ee kala matalaya Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug, Puntland iyo Hir-Shabeelle ay hor dhigayaan Dowladda Federaalka ah oo uu hogaamiyo Mudane Farmaajo.

Qodobadaasi oo qaarkood Shabakadda Marqaati Online ay ka heshay Xubno safar ku wehliya Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa u muuqda Gor-gortan ay ku doonayaan in Dowladda ay kala galaan Dhinacyada Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, waxaana kamid ah:-

  • Xal u raadinta Xiisadda siyaasadeed ee Galmudug, Maadaama Madaxweyne Xaaf uu shirka madaxda Dowlad Goboleedyada kahor sheegay in Dowladda ay Ciidamo u dirtay si loo xiro, baqdinne uu ka muuqiyey arrintaa.
  • Wada shaqeynta dawladda Faderaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada si gaar ah Go’aamada la qaadanayo.
  • In Dowladdu ay ku tix galiso Go’aankooda ee ah in ay ka qaateen Arrimaha Khaliijka, isla markaana ay gaar u tahay Dowlad Goboleedyada.
  • Kordhinta Deeqaha laga helo Beesha Caalamka oo si siman Dowladda usiiso madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaana la sheegayaa in arrinkaan uu soo jeediyey Madaxweynaha Koofur Galbeed oo doonayo in Saami siman ay qaataan Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Dowladda federaalka ayaanan la ogeyn sida ay u aqbali doono Qodobada qaar ay hordhigayaan Madaxda Maamul Goboleedyada sida tan Xiisadaha Khaliijka, oo Dowladda federaalka labo jeer ayee ka qaadatay Go’aan Dhex dhexaad ah, waana Midda la sheegayo in ay keentay kulankaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here