Akhriso Cidda hoggaanka looga dhigay Golaha ay ku midoobeen Maamul Goboleedyada

0

Madaxda  Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa soo saaray Qodobo xasaasi ah oo ku saabsan Khilaafka dowladda iyo Maamul Goboleedyada.

Shabakadda Marqaati Online ayaa horey idinkugu soo gudbisay War Murtiyeedkaas oo dhameystiran.

Qodobka ugu muhiimsan ee Shirkaas kasoo baxay ayaa ah in lagu aasaasay Gole ay ku midoobeen Madaxda Maamul Goboleedyada.

Golahaas ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas kaasoo oo la sheegay inuu hoggaamin doono sanadka ugu horreyo.

Sidoo kale waxaa ku xigeen looga dhigay Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle Waare kaasoo isna hal sano xilkaas heyn doono.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa sameynta golahaaan u daliishaday Qodobka 52 ee Dastuurka Soomaaliya oo ay sheegeen inuu qabo inay madaxda Maamul Goboleedyada yeeshaan Iskaashi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here