Akhriso Caddeyn muujineyso in Madaxda Maamul Goboleedyada ay la Wareegayaan Awoodihii Aqalka Sare

0

Madaxda Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya oo seddexdii maalin ee ugu dambeysay shir ku lahaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbalanad ayaa isku raacay inay sameystaan Gole Dhexe oo ay ku midobaan isla markaasna lasoo marsiiyo go’aanada ay dowladda Soomaaliya ka qaadaneyso Arrimaha Dibadda, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Amniga.

Haddaba arrintaan ayaa sida Dastuurka qabo saameyn ku yeelan doonto Shaqada Aqalka Sare oo loo sameeyay inuu ilaaliyo danaha dowlad Goboleedyada, ahna hay’ad dastuuri ah oo federaalka kamid ah.

Dhismaha Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada iyo dalabkooda ah inay dowladda Federaalka ay kala tashato arrimihii ay gaarka u lahayd waxay howlgab ka dhigayaan Aqalka Sare.

Shirka Madaxda maamul Goboleedyada ayaa imaaday markii ay isku dhaceyn dowladda Dhexe, gaar ahaan waxaa la isku qabtay cidda yeelaneyso go’aanka Arrimaha Debadda oo uu Dastuurku qabo inay dowladda dhexe leedahay.

Waxay Madaxda Maamul Goboleedyada ka hor imaadeen go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa ee dowladda dhexe ka qaadatay Khilaafka Dowladaha Khaliijka.

Haddaba Shabakadda Marqaati Online ayaa idiin soo gudbineyso Qodobo Dastuuri oo caddeyn u ah in Maamul Goboleedyada ay awoodii kala wareegi rabaan Aqalka Sare oo laga yaabo inuu howlgab noqdo haddii uu sii socdo Qorshahaan.

Halkaan hoose ka akhriso Awoodaha Aqalka sare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here