Akhriso: 5 Qodob hordhac ah oo ay ku heshiiyeen Madaxda Maamul Gobolleedyada

0

Waxaa weli magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ku shirsan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka ka dhisan.

Shirka oo gabagabo maraaya ayaa waxaa bilowgiisa daah furay oo martigalinaya Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ”Axmed Madoobe”.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya Axmed Madoobe oo kulanka furay, waxaana goob joog ka ah Hogaamiyayaasha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas), kan koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo xubno kale oo ka socda maamul goboleedyada.

Ujeedka ugu weyn shirka ayaa ahaa in Siyaasada Dowlada Federaalka kala dhexeysa maamul Goboleedyada laga saaro mugdiga iyo sidii loo dhamayn lahaa.

Shirka ayaa waxaa la filayaa in maanta laga soo saaro natiijo buuxda oo lagu muujinaayo qodobada ay isku raaceen dhammaan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada.

Sidoo kale, xubno ka mida mas’uuliyiinta ka qeyb galaya Shirka madaxda maamul goboleedyada ayaa ayaa xaqiijiyay in ay jiraan qodobo dhowr ah oo ay isku raaceen Hogaamiyaasha ku shirsan Kismaayo islamarkaana ay jiraan qodobo aan weli la isku afgaran oo ka doodistoodu socoto.

QODOBADA SIDA HORDHACA AH LEYSUGU RAACAY AYAA WAXAA KAMID AH:

1-In si wada jira loo aas aaso Gole ay ku mideysan yihiin Madaxda maamul Goboleedyada.

2-In dhammaan Hogaamiyayaasha uu shirka u socdo sanadkiiba mar ay wada kulmaan, si looga wada hadlo waxyaabaha soo kordha.

3-In Hogaamiyayaasha maamulada ay iska dhex doortaan hogaan aan weli la qeexin waxa uu yahay.

4-In aas aaska Golaha uu noqon doono mid lagu xalinaayo khilaafaadka oo madashaasi ay xalin doonto.

5-In qodobada ka soo baxa shirkooda ay la wadaagan Dowladda Dhexe oo Muqdisho loogu keeno iyo in sidoo kale loo bandhigo baarlamaanka Maamul Gobolleedyada.

Dhinaca kale, Qodobada harsan ayaa lagu wadaa in lasoo gunaanado maanta, isla markaana lasoo saaro War-murtiyeed qodobeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here