Yeysan sheeko kugu dhaafin kulanka adag ee Chelsea vs Manchester City

Chelsea ayaa waxay wajihi doontaa ciyaarta ugu tijaabada adag ee Premier League xagaagan, iyadoo kooxda horyaalka kula tartameysa ee Manchester City ay wajaheyso Sabtiga.

Kooxda horyaalka heysata ayaa labada kulan garaacday naadiga Pep Guardiola xagaagii hore iyadoo Eden Hazard uu dhaliyay 3 gool, Laacibka Belgian ayaana safan doona kulankiisii labaad ee horyaalka xagaagan ka gadaal muddo uu dhaawacnaa.

Naadiga Blues ayeysan u sahlanaan doonin in dhulka lala simo marka la joogo gurigooda Stamford Bridge Arsenal ayaase laba Usbuuc ka hor ku xakameysay gurigeeda oo ay 15 uga soo dhalisay 3dii kulan ee ka horreysay markaas oo ay Gunners booqato Galbeedka London.

Rikoodhka dhanka goolasha ah ee kooxdaasi ay sameysay waxaa ka badisay kooxda Guardiola, oo 21 gool dhalisay 6dii kulan ee ugu dambeysay horyaalka – balse Sergio Aguero kulanka ma ciyaari doono keddib shil gaari oo uu galay wiilka dalka Argentina.

Kulanka: Chelsea vs Manchester City

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 07.30pm fiidnimo Waqtiga geeska Afrika

WARARKA KOOXAHA

Hazard ayaa filaya in uu kusoo billowdo kulanka keddib markii uu kasoo muuqday Safarkii ay Arbacada uga soo badiyeen Atletico Madrid.

Laacibka Pedro ayaan ku lug yeelan natiijadii wacneyd ee Antonio Conte kooxdiisu kasoo xareysa Caasimadda Spain isagoo keydka uga soo tegay.

David Luiz ayaa ganaaxnaan doona, taasoo la macno ah in Gary Cahill uu kusoo billaaban doono ciyaarta xiisaha badan.

Alvaro Morata ayaa sidoo kale wuxuu ka mid ahaa xiddigihii fursadda fiican kasoo hooyay kooxda dalkiisa ka dhisan ee Atleti, balse Conte ayaa ku adkeysanaya in uu safan doono iyadoo uu dhaawac wax u muuqday ahaa kulankii Spain ka dhacay.

Conte ayaa yiri Jimcaha waan hubinay laacib walba waana diyaar, in kastoo uu maqanyahay Danny Drinkwater.

Guardiola ayaa xaqiijiyay in Aguero uu la ildaranyahay dhaawac kasoo gaaray Shil gaari iyadoo laga yaabo in uu 2 feerood ka jabanyahay keddib safar uu ku joogay Holland oo uu ku dhaawacmay Taxi lagu kaxeynayay.

Aguero ayaa ku biiray Benjamin Mendy oo ka mid ahaa xiddigaha maqan, laacibka difaaca bidix ayaa badi xagaagan ciyaaraha kooxdiisa seegi doona, markii dhaawac halis ah looga saaray kulankii 5-0 ay kooxdiisu ku garaacday Crystal Palace.

SAFAFKA LABADA KOOXOOD

Safka Chelsea: Courtois; Azpilicueta, Cahill, Rudiger; Moses, Kante, Bakayoko, Alonso; Hazard, Pedro; Morata

Safka Man City: Ederson; Danilo, Stones, Otamendi; Fernandinho; Walker, De Bruyne, D. Silva, B. Silva Delph; Jesus


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.