Horudhaca: Man United vs Crystal Palace, xiddigo labada naadi muhiim u ah oo kulanka seegaya

Crystal Palace ayaa raadineysa dhibacdeedii ugu horreysay ee Premier League xagaagan iyadoo ay sii socoto dhibaato kooxda usoo billaabatay horraantii xagaagan, waxayna la kulmi doontaa Manchester United Sabtiga.

Naadiga lagu naaneyso Eagles ayaa sii wadata rikoodhkeedii ugu xumaa ee England horyaalkeeda heerka sare ka dhaca taariikhda marka lagu laabto tan iyo 1888, iyadoo khasaare 5-0 ah kala kulantay Manchester City markii ugu dambeeyay ee ay ciyaarto.

Wararka dhibka kusii badinaya kooxdan waxaa ka mid ah in uu dhaawacanyahay Christian Benteke kaasoo 6 usbuuc maqnaan doona, waxayna taasi ku tahay Roy Hodgson in uu suuqa ka raadinayo xiddigo xor ah.

Palace ayaan waligeed garaacin United kulan Premier League ah waxayna kaliya ka heysataa 3 dhibcood uun kulamo 16 ah oo ay is arkeen tan iyo markii magacaan la bixiyay 1992-dii.

Kulanka: Manchester United vs Crystal Palace

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 05:00Pm Galabnimo waqtiga Geeska Afrika

WARARKA KOOXAHA

Labaduba Ander Herrera iyo Anthony Martial ayaa rajeynaya in ay kusoo billowdaan kulanka iyadoo Jose Mourinho uu rajeynayo in safkiisu ka xoog badnaado Palace.

Paul Pogba ayaa sii maqnaan doona, iyadoo aan weli la xaqiijin waqtiga rasmiga ah ee uu maqnaan doono, halka Michael Carrick la filayo in uu kulanka seego.

Ashley Young ayaa kusoo billowday soona xirtay marada, Kabtanka, United ciyaarteedii CSKA Moscow ee bartamaha Usbuuca, wuxuuna ka bixi karaa safka oo uu u banneyn doono Daley Blind oo fursaddiisa billowga ah dib u heli kara.

Crystal Palace ayaa loo gacan geliyay dhibaatada dhaawac ee Christian Benteke oo 6 usbuuc ku seegaya dhaawac kasoo gaaray kulankii Manchester City.

Dhaawaciisa ayaana Palace ka dhigaya mid aan heysan weeraryahan sax ah waxayna ka mid tahay dhibaatada ugu badan ee uu wajahayo macallin Roy Hodgson.

Palace ayaa eegan doonta in ay lasoo saxiixato weeraryahan suuqa xorta ah lagu heli karo, balse safasho waxaa helaya Sabtiga laacibka Bakary Sako.

SAFAFKA LABADA KOOXOOD

Safka Manchester United: De Gea; Valencia, Bailly, Jones, Darmian; Matic, Herrera; Rashford, Mhkitaryan, Martial; Lukaku

Safka Crystal Palace: Hennessey; Fosu-Mensah, Dann, Sakho, Van Aanholt; Milivojevic, Cabaye; Townsend, Loftus-Cheek, Schlupp; Sako


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.