Aguero oo 4 Usbuuc ka maqnaan doona kooxdiisa Man City, Sababta ogow!

Sergio Aguero ayaa bartiisa twitter soo dhigay isagoo dhahaya waxaan kusoo laabtay Manchester keddib shilkii Gaari ee uu ku galay dalka Holland.

Taxi uu ku safrayay ayaa burbur xooggan uu soo gaaray bartamaha magaalada Amsterdam Khamiistii, markaas oo dhaawac uu laacibkan kasoo gaaray halkaas.

Laacibka dalka Argentine ayaa xaqiijiyay in uu ku baxsaday in uu u xirnaa Suunka fadhiga ee Gaarigu taasoo ka badbaadisay dhaawacyo kale oo hali gelin lahaa isaga.

Aguero wuxuu wajahayaa hadda ugu yaraan 4 Usbuuc maqnaashahooda keddib markii la xaqiijiyay in uu ka jabay 2 feerood.

Laacibka Argentine, ayaa heystay maalin fasax ah ka hor wax aan ka badneyn 48 kulanka ay kooxdiisa City wajaheyso Chelsea oo dhici doona 07.30pm fiidka Caawa laguna dheeli doono Stamford Bridge.

Mademba MBACKE (Senegal) u dhashay, Felix Tangawarima oo isaguna (Zimbabwe) u dhashay, ayaa ahaa macallimiinta bixinayay Tababarka.

Tababarka ayaa socday 25 ilaa 29-ka September 2017, wuxuuna ahaa mid sare loogu qaadayo Aqoonta Garsooreyaasha kubadda cagta Soomaaliyeed.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.