30 Garsooreyaal kubadda cagta ah oo Muqdisho Tababar Caalami ah loogu soo xiray “Sawirro”

Tababarkaan ayaa mudo shan maalin ah uga soconayay garsoorayaashaan soomaalida ah waxaana gacan ka geysanayay xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA.

Tababarkaan ayaa waxaa bixinayay barayaal ajaanib ah iyadoo ay ka qeybgaleen garsoorayaal garayay 30 garsoore sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa tababarka macalimiin kooxo hugaamiyo.

Xogyaha guud ee xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Maxamed Maxamuud Farey oo tababarka xiritaankiisii ka hadlaya ayaa u jeediyay garsoorayasha in ay dhaqan galiyaan waxyaabihii kala duwanaa oo ay tababarka ku qaateen mudadii uu socday.

‘’Waxaan u mahadcelinayaa xiriirka kubada cagta aduunka Ee FIFA sida ay u garab taaganyihiin xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta,tababarkaan waxa uu wax badan u kordhiyay garsoorayashii ka qeybgalay’’ayuu yiri Farey.

Tababarka waxaa bixinayay Mademba MBACKE (Senegal) u dhashay, Felix Tangawarima oo isaguna (Zimbabwe) u dhashay.

Tababarka ayaa socday 25 ilaa 29-ka September 2017, wuxuuna ahaa mid sare loogu qaadayo Aqoonta Garsooreyaasha kubadda cagta Soomaaliyeed.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.