Ciyaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kulamadii la ciyaaray iyo kuwa dhacaya maanta

Kulamo ka tirsan koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa Shalay gelinkii dambe la ciyaaray, waxaana ciyaaro xiiso leh ay dhexmareen 4 degmo oo shalay ciyaaray.

Ciyaarihii shalay labada kulanba Garab dhac ayey ku dhammaadeen in kastoo ay goolal laheyd ciyaartii 2-2 ay isla dhaafi waayeen kooxaha Hodan iyo Waabari.

Ciyaar kale oo isla galabnimadii shalay ka dhacday garoonka Koonis waxaa ay dhexmartay Deyniile iyo Yaaqshiid waxaana lagu kala tegay 0-0, oo labada naadi midna uma suuragelin in ay gool ka dhaliso ciyaartaas.

KULAMADA MAANTA LA CIYAARI DOONO

Wardhiigley iyo Wadajir ayaa ku ballansan kulanka hore ee tartanka degmooyinka Gobolka maanta, waxaana ciyaar kale oo xiiso leh wada qaadan doona Shangaani iyo Boondheere, kooxda koobka difaacaneysa ee Boondheere waa kulankeedii labaad ee Guruub-ka A.

Group A waxaa ku wada jira 5 kooxood oo wuxuu koox dheeryahay guruubyahada kale ee tartanka.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.